7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 21, 2023
Golaha dhaqanka SSC-Khaatumo oo beeniyay inuu khilaaf dhexdooda ka jiro
 

Jimco, Luulyo, 21, 2023 (HOL) - Golaha sare ee dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa beeniyay in ay ku kala aragti duwan yihiin qoraal xalay kasoo baxay golaha sare SSC-Khaatumo, kaasoo raali galin loogu diray Dowladda federalka Soomaaliya.

Garaad Cabdisalaan Garaad Maxamed oo maanta la hadlay saxaafadda, ayaa sheegay in garaadada u dhammaayeen warqadda ay soo saareen, wuxuuna sheegay in aanu jirin khilaaf ka dhex jira Khaatumo dhexdeeda.

“Annagu ma rabno inaan la dagaalamno dowladda federalka. Annaga dagaalkayagu wuxuu ku jeedaa Muuse Biixi iyo maamulkiisa iyo ciidamadan soo duulay, ee Waqooyi Galbeed ka yimid, in aanu waddankayaga ka sifayno, Gooja Cadde ka saarno baanu rabnaa,” ayuu yiri Garaad Cabdisalaan.

Inkastoo Garaadku sheegay in Dowladda federalka ay wax ka tabanayaan, uuna jiro qaladaad badan, haddana wuxuu sheegay, xilligan in aysan diyaar u ahayn in ay Dowladda la dagaalamaan, isagoo sheegay in Muqdisho ay yaalaan dhaawacyadii SSC.

Xalay ayay ahayd markii warqad shaki badan dhalisay ay kasoo baxday golaha sare ee  SSC-Khaatumo, taasoo raali galin lagu siinayay Dowladda federalka Soomaaliya.

Iyadoo Dowladda laga raali galinayay hadalo dhaleecayn ah oo maalmo ka hor uu saxaafadda ka sheegay Garaadka Guud ee SSC, Garaad Jaamac Garaad Cali.