7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 21, 2023
Jabuuti iyo Soomaaliya oo iska kaashanaya qorsheynta iyo maalgashiga

Jimco, Luulyo, 21, 2023 (HOL) - Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka dhaqaalaha iyo maaliyadda ee dalkaasi, Ilyas M. Dawaale.

Labada dhinac ayaa isweydaarsaday dadaalka loogu jiro sidii loo gaari lahaa horumar dhaqan-dhaqaale kaasoo horseedi kara xal kama danbeys ah, iyagoo sidoo kale ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ku qotoma walaaltinimo iyo wax wada-qabsi.

Wasiir Maxamuud Beenebeene ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Jabuuti,  Ilyas M. Dawaleh soo dhaweynta uu u fidiyay isaga iyo wafdigiisa.

“Ciidamada Hiil qaran baan maanta waxaan kusoo kordhinay xiriir dhanka dhaqaalaha iyo maalgashiga,” ayuu yiri wasiirka qorshaynta Soomaaliya, Mr Beenebeene.

Wasiirka maaliyadda iyo dhaqaalaha Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale ayaa sheegay inay ka wada hadleen sidii Soomaaliya looga caawin lahaa, taageerada dadka ku nool meelaha laga xorreeyay kooxda Alshabaab.

Ilyaas Dawaale wuxuu sheegay inay ka shaqeynayaan sidii Soomaaliya ugusoo laaban lahayd kaalintii ay ku lahayd mandiqada bariga Afrika.

Wuxuu dowladda Soomaaliya ku ammaanay dagaalka ay kula jiraan Alshabaab.