7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 21, 2023
Puntland oo ku eedeysay dowladda federalka inay SSC ku cadaadinayso inay la heshiiyaan Somaliland
 

Jimco, Luulyo, 21, 2023 (HOL) - Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Ceydiid Dirir ayaa ku eedeeyay Dowladda federalka Soomaaliya in ay reer SSC ku cadaadinayso inay la heshiiyaan Somaliland.

Wasiirka warfaafinta wuxuu sheegay in ay taageersan yihiin hadalkii uu sheegay Garaad Jaamac Garaad Cali, kaasoo ahaa in dowladda federalka Soomaaliya ay raali uga tahay Somailand duullaanka ay ku hayso magaalada Laascaanood.

Wuxuu sheegay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud inuu indhaha caalamka kasii jeedinayo xaaladda cakiran ee ka taagan magaalada Laascaanood, isagoo sheegay taas beddelkeed inuu ku mashquulsan yahay inuu wada hadalo la bilowdo Somaliland.

“Barnaamijka uu Xasan wato, waa in gaar loo jaro SSC. Senatoradii yimid magaalada Garowe waxay sheegeen in barasaab loosoo magacaabidoono marka la xoreeyo SSC.” ayuu yiri wasiir Caydiid.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmay maalin kadib markii golaha sare ee Khaatuma ay raali galin ka bixiyeen hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali. Iyagoo sheegay, Dowladda federalka wax tarmooyee in aysan dhibaato ku haynin shacabka reer SSC.