7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 20, 2023
Golaha sare ee SSC-Khaatumo oo raali galin ka bixiyay hadal lagu dhalleeceeyay dowladda Soomaaliya

Khamiis, Luulyo, 20, 2023 (HOL) - Golaha sare ee SSC-Khaatumo ayaa raali galin ka bixiyay hadal lagu dhalleecaynayay Dowladda federalka Soomaaliya, oo uu dhawaan saxaafadda uu kasii daayay Garaad Jaamac Garaad Cali.

Bayaan kooban oo kasoo baxay golaha sare ee SSC-Khaatumo, ayaa lagu sheegay, in dowladda federalka laga raali galiyay hadalkii ahaa in ay Somaliland heshiis kula tahay duqaynta ay ka geysanayso magaalada Laascaanood.

Golaha sare ee SSC-Khaatumo wuxuu sheegay in Dowladda looga baahan yahay in aanay simin iyaga oo ka shaqeynaya midnimada Soomaaliya iyo Somaliland oo u taagan gooni isu taag

Waxay Dowladda uga mahad celiyeen taageerada ku aadan soo dhowaynta iyo daryeelka dadkii ku dhaawacmay dagaalada Laascaanood.

Dhawaan ayay ahayd markii Garaad Jaamac Garaad Cali uu ku eedeeyay dowladda federalka  inay Somaliland raali uga tahay duqeymaha lagu garaacayo shacabka Laascaanood.

Garaad Jaamac wuxuu sheegay in Dowladda federalka ay xaqirsan tahay dhibaatada loo gaytay shacabka SSC, ayna hortaagan tahay in caalamka uu cunaqabatayn saaro Somaliland.