7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 20, 2023
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay burburisay isbaarooyinka Shabaab u yaallay gobolka Baay
 

Khamiis, Luulyo, 20, 2023 (HOL) - Ugu yaraan 15 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab oo ay ku jiraan saddex horjooge, ayaa lagu dilay howlgal ay fuliyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, fiidnimadii caawa.

Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay in lagu guuleystay in la qaado isbaarooyin iyo fariisimo ay kooxda Alshabaab ku lahaayeen deegaanka Jameeco oo ka tirsan gobolka Baay.

Goobta howlgalka laga fuliyay ayay dowladdu sheegtay in Alshabaab ay doonayeen in ay ku go’doomiyaan dadka deegaanka. Waxayna dowladdu tilmaamtay in isbaarooyinka halkaas yaallay gabi ahaanba la burburiyay, iyadoo la fasaxay gaadiidkii halkaas lagu go’doomiyay.

Waa howlgalkii labaad oo muddo 24 saac gudahood ah ka dhaca wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, gaar ahaan inta u dhaxeysa Leego iyo Burhakaba, halkaas oo la sheegay in ay Al-shabaab ku carqaladaynayeen gaadiidka xamuulka u sida gobolka Baydhabo.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay iyadoo ka jawaabaysay carqaladaas inay billowday howlgallo lagu beegsanayo jidgooyooyinka Al-Shabaab iyo go’doominta dadka deegaanka.