7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 20, 2023
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo si kulul uga hadlay go'doonka Al-shabaab ay galisay Baydhabo
 

Khamiis, Luulyo, 20, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta markii ugu horeysay ka hadlay go'doonka ay galiyeen kooxda Al-shabaab magaalada Baydhabo oo ah Caasimadda kumeel gaarka ee maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Laftagareen ayaa sheegay in Al-shabaab ay kala xaasidnimo badan yihiin, islamarkaana kuwii ugu xaasidsana ay yihiin kuwa kasoo jeeda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

"Al-shabaab waa xaasidiin oo waan wada aragnay laakin wey sii kala xaasidnimo badan yihiin, waxaa ugu daran kuwa deeganadeena kaso jeeda ee aqbalay inay go'doomiyaan Hooyadooda, Ilmahooda, Xasaskooda iyo Ehelkooda, waa Daanyeero aan damiir laheyn" ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Wuxuu sidoo kale sheegay madaxweyne
Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen in deegaanada ugu badan oo ay Al-shabaab go'doon galiyeen ay tahay deegaanada Koonfur Galbeed, islamarkaana Al-shabaabka kale aysan ogoleyn in deegaanada ay kasoo jeedaan ay go'doon galiyaan.

"Waxaa hada ka hor dhacday in labo nin oo Maay iyo Maxaa tiri ah oo Shabaab ka wada tirsan ay isugu faaneen aniga ayaa kaa xaasidsan iyo aniga ayaa kaa xaasidsan ayaa waxa luuq agtooda kasoo baxay Oday 80 jir ul cuskan markasa kii Maxa tiriga aha Odaygii inuu ushii ka qaaday lugaha isugu dhuftay uu qoorta ka jaray ayuu ku yiri kii Mayga aha sow ma aragtid inan ka xasidnimo badanahay, markasu kii Maayga yiri maya oo ana wali ka xasidsan Odayga waayeelka waxba ka galabsan ad sidan u gashay waa Aabaheey ee sow kama xaasidnimo badni, marka Shabaab nooca ugu liita nagu soo aaday" ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Gabagabadii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ugu baaqay qeybaha kala duwan ee bulshada Koonfur Galbeed iney ka qeyb qaatan dagaalka ka dhanka kooxda Al-shabaab ee looga xureynayo guud ahaan deegaanada maamulkaas.