7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 20, 2023
Maxkamadda gobolka Banaadir oo dhegaysatay dacwadda 4 kamid ah dadkii loo haystay musuq maasuqa
 

Khamiis, Luulyo, 20, 2023 (HOL) - Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta bilowday dhegaysiga dacwado ka dhan ah afar sarkaal oo ka tirsanaa hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, oo lagu eedeeyay musuq maasuq iyo xatooyo dadweyne.

Afarta Eedeysane oo Maxkamadda la horkeenay ayaa kala ah, C/llaahi Maxamuud Cosoble, Cumar Macalin Nuur, Saabir Xasan Cabdinuur iyo Aadan Maxamed Cabdi.

Cumar Macalin Nuur oo ah eedeysanaha koowaad, ayaa lagu eedeeyay inuu lunsaday lacag dhan, ku dhawaad 7 milyan oo dollar, Lacagtaas, oo ahayd hanti dadweyne iyo dakhli dowladeed oo uu masuul ka ahaa.

Eedeysanaha labaad, C/llaahi Maxamuud Cosoble, waxaa lagu eedeeyay inuu lunsaday lacag dhan ($560,500) shan boqol iyo lixdan kun iyo shan boqol oo dollar. Waxaa loo haystaa inuu dukumentiyo been abuur ah ku qaatay lacago dowladeed.

Eedeysanaha saddexaad, Saabir Xasan Cabdi Nuur, waxaa loo haystaa lunsashada hanti dadweyne iyo dakhli dowladeed oo uu masuul ka ahaa, oo gaarayay, ($482, 730) Afar boqol siddeetan iyo labo kun, todobo boqol iyo soddon dollar. Lunsashada dhaqaalahaan waxay maxkamaddu sheegtay inuu u maray warqado been abuur ah.

Eedeysanaha afaraad, Aadan Maxamed Cabdi, waxay maxkamaddu ku eedeysay inuu lunsaday lacag dhan ($88,640) siddeedan iyo siddeed kun iyo lix boqol iyo afartan dollar, lacagtaas oo uu ku lunsaday isagoo isticmaalayay warqado lacag qabasho iyo shaabado been abuur ah.

Qareenada u dooddaya eedeysanayaasha, ayaa sheegay in ay sharciga baalmarsan yihiin qaar kamid ah eedeymaha loosoo jeediyay eedeysanayaasha ay  difaacayaan.

Dhegaysiga doodda dadka loo haysto musuq maasuqa ayaa sii socon doonta, iyadoo sidoo kale la dhegaysan doona eedeysanayaasha kale ee musuqa ku eedeysayn.