7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 20, 2023
Dowladda Fedaraalka oo faahfaahisay khasaaraha ka dhashay howlgal ka dhacay deegaanada Gal libaax iyo Ceel qurac

Khamiis, Luulyo, 20, 2023 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay howlgal saacadahii lasoo dhaafay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada Mareykanka ay ka sameeyeen deegaanada Gal libaax iyo Ceel qurac oo ku yaala xadka ay wadagaan gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Warsaxafadeed kasoo baxaya Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu dilay ku dhawaad 100 ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab oo isku aruursanaayay deegaanada howlgalka uu ka dhacay.

"Hawgalka waxaa gacan fiican ka geystay shacabka deegaanka oo wadashaqeyn wanaagsan la yeeshay ciidanka qaranka ee hawlgalka ku jiray. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u mahad celinaysaa hawlgalka Mareykanka ee caawiya ciidanka Qaranka oo gacan ka siisay hawlgalkan lagu burburiyay qowleysatada Khawaarijta ah ee isku uruursanayay dhibaataynta dadka Soomaaliyeed" ayaa lagu yiri warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda .

Warka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta dowladda Fedaraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka ay wali wadaan howlgal dhinaca dhulka ah oo lagu sii baacsanayo firxadka dagaalamayaashii Shabaab ee ku sugnaa deegaanada Gal libaax iyo Ceel qurac.

Shalay ayay aheyd markii uu Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya uu sheegay in todobaad gudahiis kooxda Al-shabaab looga dilay meelo kala duwan oo ka mid ah gobolada dalka in ka badan 200 oo isugu jira Horjoogayaal iyo Askar ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka dowladda:-.