7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 2 , 2023
Wafdi isimo ah oo gaaray Garowe si ay qeyb uga noqdaan xal raadinta khilaafka Deni iyo mucaaradka
 

Axad, Luulyo, 2, 2023 (HOL) - Waxaa magaalada Garowe gaaray wafdi isimo ah, kuwaas oo halkaas u tagay ka qeyb galka shir ay Isimadu kaga hadli doonaan sidii loo dhamayn lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagan madaxweynaha Puntland iyo mucaaradka.

Isimada gaaray Garowe, waxaa kamid ah Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, oo kasoo safray magaalada Gaalkacyo. Horey waxaa magaalada Garowe u joogay isimada Nugaal, iyo kuwa SSC oo horey mar isugu dayay inay xaliyaan khilaafka Deni iyo mucaaradkiisa, balse ay socon weyday.

Dhinaca kale, siyaasiyiin ay kamid yihiin raysal wasaarayaashii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli Gaas ayaa laftooda berri kusoo wajahan Garowe. Waxaa la filayaa inay qeyb ka qaataan xal raadinta mushkiladda siyaasadeed ee ka jirta Puntland.

Isimada Puntland oo ah marjaca ugu dambeeya, ayaa la filayaa in talooyinka ay soo jeediyaan ay noqon doona kuwa xal u noqon doona muranka ka taagan doorashada Puntland, inkastoo la ogyahay in horey loo tixgalin waayay baaqyadii Isimadu kasoo saareen colaaddii Bosaso.

Labada dhinac ee is haya midba kama uusan hadlin kaalinta ay isimada ka qaadanayaan daminta colaadda iyo in heshiis laga gaaro khilaafka. Hase ahaatee, isimada ayaa la fahansan yahay inay cadaadis ku saari doonaan cid walba inay qaadato go’aanada ay soo jeediyaan.