7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 2 , 2023
Wiil yar oo ku naf waayay dab qabsaday guri ku yaala magaalada Hargaysa
 

Axad, Luulyo, 2, 2023 (HOL) - Sida ciidanka Dabdamiska Somaliland sheegay wiil yar ayaa ku naf waayay dab qabsaday guri ku yaala xaafada Half London ee magaalada Hargaysa.

Qoraal lagu baahiyay boga Facebook ee ciidanka dabdamiska ayaa lagu xaqiijiyay dhimashada wiilka yar, waxaana lagu sheegay in dabdamisku ay markii danbe dabka bakhtiiyeen, isla markaan ay maydka guriga kasoo saareen.

"Alle haw Naxariistee Wiil yar ayaa ku dhintay dab qabsaday guri daara oo ku yaala xaafada Half-london, ciidamada dabdemiska ayaa si degdega goobtaas u gaadhay gurigaas oo badiba uu haysto dabku, waxaana ciidamadu bilowgii damiyeen dabka, intaa kadib ciidamada ayaa maydka wiilka yar ka soo saaray guriga".

Dabdamiska ayaa sheegay in ciidamada booliska gaar ahaan dambi baadhistu ay la wareegeen baadhista kiiska iyo maydka wiilka yar ba, kadib markii guriga la bakhtiyay.

Ugu dambayn, ciidanka dabdemisku wuxuu bulshada ugu baaqay in goor hore la soo sheego marka uu dab qarxo si ciidanku uga soo gaadhi karaan loona damin karo si fudud.