7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 2 , 2023
Soomaalida dalka Ireland oo ka cabanayo lacag dulsaar oo looga qaato baasaboorka Soomaalida

Danjire Yonis Xaashi, Safiirka Soomaaliya ee dalka Belgiumka

Axad, Luulyo, 2, 2023 (HOL) -Soomaalida ku nool dalka Jamhuuriyadda Ireland  ayaa ka cabanaya lacag dul saar ah oo ay sheegeen in looga qaato marka ay baasaboorka Soomaaliga dalbanayaan.

Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Ireland oo lasoo xiriiray HOL ayaa arrintan ku eedeyey shaqsiyaad uu hormuud u yahay safiirka iyo xubin ka socta Waaxda Jinsiyadaha iyo Socdaalka ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Belgium-ka.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Belgium danjire Yoonis Xaashi oo soo gaaray magaalada Dublin si uu Soomaalida ku nool dalkaas uu ugu sameeyo Baasaboorka Soomaaliya ayaa lacag dheeraad ka qaadayo qiimaha baasaboorka oo gaarayo ilaa iyo €550 ama lacag badan $600.

“In lacago dul saar ah oo aan qasnadda dowladda ku dhaceyn na laga qaado, waxaan dhihi karnaa waa musuq-maasuq,” ayuu yiri Yusuf  Axmed oo ka mid ah dad dhowr ah oo lacagahaasi la waydiistay.

Warar kale oo dheeraad ah ayaa sheegayo in Danjire Yonis Xaashi oo sana wood u laheyn in yimaado dalka Ireland danjire ahaan, laakin uu ku yimid si aan waafaqsaneyn sharciga u dhigan dalka Ireland.

Ireland oo ah wdadan ay Soomaalida aad ugu yar tahay marka la barbar dhigo waddamada kale ee Yurub ayaanan laheyn wax safaarad ama qunsuliyad ah, mana ka jirto Jaaliyad Soomaaliyeed oo shaqeeysa, waana arrintaas sababta u fududeysay in shaqaiyaad gaar ah ay dadka baasaboor doonka ah ka qaataan lacago dheeraad.