7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 2 , 2023
Qabuurihii Macalin Nuur oo ka bilaabatay in Meydadkii ku aasnaa laga saaro qabuuraha
 

Axad, Luulyo, 2, 2023 (HOL) - Dhacdo  naxdin leh ayaa ka jirta Deegaanka Tareedisho ee duleedka Muqdisho, gaar ahaan qabuuraha Macalin Nuur,  taasi oo ku aadan in meydadkii la aasay 50 sanno ka hor ay hadda la baxayaan eheladooda, kaddib markii dad aan la garaneynin ay xili habeen ah burburiyeen qabuuraha.

Dhulkan ayaa dhowr iyo 50  sanno  ka hor waxaa wafaqay ( dar alle u bixiyay ) Sheekh Macalin Nuur, waxaana ku aasan kumanan  Ruux oo Soomaaliyeed, balse arrintan ayaa bilaabatay Sanadkii hore ee 2022,kaddib markii la helay war ku saabsan in ay jiraan dad boobab ku haya dhulka.

“Waxaan ugu imaanay dad badan oo Meydoodkii dhowr sanno hor ay ku dugeen halkan la baxaya, sababtana ay tahay in dadkii dhulkani la haay ay dhaheen dhulkeena rabnaa, waxaa jooga eheladooda iyaga oo aad u murugeysan oo Oynaya, waxa ay wataan Karfan cusub si Meydka markii loo soo saaro ay mar labaad dib u dugtaan, waxaan la yaabanay meeshii ay aaday Bani’adanimadii waxaan la yaabanay ma jiro miya qof wax ka qabanaya oo ka hadlaya” ayey tiri Ifraax  Axmed oo mid ah dadka Walidkooda oo ku aasan yahay Qabuuraha Macalin Nuur.

Sidoo kale dabaqayadii Sannadkii hore Ehelka Sheekh Macalin Nuur, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhulkan uu yahay sidii uu bixiyay Aabahood,  isla markaana aysan ayaga ku soo laaban.

“Annaga reer Macalin Nuur hadda nahay dhulkaani kuma anan soo noqon,  ma cabiran, iskaba daaye dhaxalkii Aabaheen nooga tagay ayaan sadaqeynay” ayuu yiri mid ah Carruurta uu dhalay Sheekh Macalin Nuur.

Waxa ay sidoo kale timaameen in aysan wax shaqo ku laheyn burburinta qabuuraha, isla markaana dadka howsha qaldan wada la soo qaban doono sharcigana la horkeeno doono.