7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 2 , 2023
In ka badan 700 dhimasho ah oo laga diiwaan Soomaaliya muddadii u dhaxeysay May iyo June ee sanadkan
 

Axad, Luulyo, 2, 2023 (HOL) - In ka badan 700 oo dhimasho ah ayaa laga diiwaan galiyay Soomaaliya intii u dhaxaysay 27-kii May ilaa 23 June-kii 2023, sida lagu sheegay xog ururin uu sameeyay mashruuc lagu magacaabo ACLED, oo ka shaqeeya falanqaynta isku dhacyada hubaysan.

Dhimashada ayaa la sheegay inay ka dhalatay daraasiin weeraro ah oo ay kooxda Alshabaab la beegsadeen ciidamada Midowga Afrika ee  ee ATMIS, iyo kuwa Dowladda federalka Soomaaliya.

Gobolka Galguduud ayaa leh tirada ugu badan ee dhimashada, iyadoo in ka badan 280 dhimasho ah la diiwaan geliyay muddadaas. Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku xigay, iyadoo la diiwaan galiyay in ka badan 200 dhimasho ah.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay dileen in ka badan 220 askari oo Soomaali ah, intii lagu guda jiray laba weerar oo ka dhacay degaano hoos yimaada degmada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud.

Xog ururinta waxay kaloo sheegaysaa, in Is-qab-qabsiga siyaasadeed uu wiiqay ololihii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab ee socday dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.

Mid kamid ah waxyaabaha hakiyay wajiga labaad ee dagaalka Alshabaab, waxaa muranka ka taagan gobolka Hiiraan oo u dhaxeeya madaxweynaha Hirshabeelle iyo guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan.

Khilaafka ayaa sii xoogeystay markii madaxweynaha Hirshabeelle uu xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan 16-kii June.

Si kastaba ha ahaatee, markii ATMIS ay billaabeen isku diyaarinta bixitaanka ciidamadooda, ayaa waxaa sii kordhay weerarada Al-Shabaab ee ka dhanka ah ciidamada ATMIS iyo kuwa dowladda.

Al-Shabaab ayaa ka faa’ideysanaya khilaafyada siyaasadeed. Waxayna ka helayaan fursad ay dib isugu soo abaabulaan, una qorsheeyaan weeraro.

Warbixintan ayaa lagu falanqeeyay qalalaasaha siyaasadeed ee kala duwan ee ka jira Soomaaliya iyo saameynta ay ku leeyihiin dhaqdhaqaaqyada al-Shabaab ee ka socda guud ahaan dalka.