7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 2 , 2023
Dowladda Mareykanka oo ka qaaday qaar ka mid ah xayiraadihii saarnaa Itoobiya
 

Axad, Luulyo, 2, 2023 (HOL) - Mareykanka ayaa ka qaaday qaar ka mid ah xayiraadaha gargaarka ee Itoobiya iyadoo la eegayo horumarka laga gaaray dhanka xuquuqul insaanka, sida uu sheegay afhayeenka amniga qaranka ee Aqalka Cad John Kirby.

Horumarka dhinaca xuquuqul insaanka ayaa dhacay gaar ahaan ka dib heshiiskii joojinta colaadeed ee ay kala saxeexdeen dawladda Itoobiya iyo ciidamada gobolka Tigrayga bishii November.

Heshiisku wuxuu soo afjaray iskahorimaad sababay in boqolaal kun oo qof ay wajahaan gaajo, malaayiin ay barakiciyeen iyo tobanaan kun oo ay ku dhinteen.

In kasta oo ay guud ahaan hoos u dhaceen xadgudubyada tan iyo xabbad joojinta, kooxaha xuquuqda ayaa sheegaya in rabshado ay ku jiraan isir sifeyn, ay ka sii socdeen gobolka Tigray ee Itoobiya.

"Go'aankan, waxaan aaminsanahay, inuu ballaarinayo qalabka aan haysano si aan u xoojino taageeradayada nabad waarta ee Itoobiya." Kirby ayaa sidaas yidhi.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in kaalmadeeda ay taageereyso nabadda iyo dib u heshiisiinta Itoobiya.

Dawladda Maraykanku waxay xaddidday kaalmadii dhaqaale iyo amni ee Itoobiya intii uu socday dagaalka waxayna jartay faa'iidooyinka ganacsi ee Xeerka Kobaca iyo Fursadaha Afrika ee Maraykanka ama AGOA, oo ah barnaamij cashuur-dhaaf ah oo faa'iido u ahaa qaybta dharka ee dalkaas.

Hay’adda Maraykanka u qaabilsan horumarinta caalamiga ah ayaa sheegtay in horaantii bishan ay joojisay cuntadii gargaarka ahayd ee ay siin jirtay Itoobiya, sababtoo ah waxa deeqdeeda laga weeciyey dadka dhibaataysan, maalin ka dibna hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada ee WFP ayaa sidaas oo kale samaysay.

In ka badan 20 milyan oo qof ayaa u baahan gargaar cunto dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika, taas oo ay ugu wacan tahay abaartii ugu xumayd ee tobannaan sano soo marta iyo dagaalka ka socday waqooyiga Itoobiya.

Mareykanka ayaa bishii March go'aamiyay in dhammaan dhinacyada ay galeen dambiyo dagaal.

Itoobiya ayaa diiday eedaymahaas si la mid ah dalka ay deriska yihiin ee Eritrea o oo ciidamada Itoobiya ku taageerayay dagaalka gobolka Tigrayga.