7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 2 , 2023
Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo ka hadashay xukun Lacageed oo ay ku riday Maxkamad ku taala dalka Kenya
 

Axad, Luulyo, 2, 2023 (HOL) - Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa ka hadashay xukun ay ku riday Maxkamad ku taala magaalada Nairobi ee dalka Kenya, taasoo la xariirta dacwad ay kusoo oogtay Shirkadda dhismaha Kingsley Construction Limited oo ku dacwootay in looga baxay heshiis qandaraas oo dib u dayactir loogu sameynaayay dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Kenya.

Maxkamadda ayaa dowladda Soomaaliya ku xukuntay lacag dhan 23 Milyan oo ah Shilinka lacagta dalka Kenya oo mag dhaw ahaan loo siinayo shirkadda Kingsley Consturction Limited.

Xukunka kasoo baxay Maxkamadda waxaa ka horyimid Qunsulka Safaaradda Soomaaliya Kenya Xabiib Maxamed Cigaal oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Maxkamada aysan lasoo socod siin Safaarada eedaha laga gudbiyay ayna xukunka maxkamadu riday ka arkeen Warbaahinta, islamarkaana aysan jirin wax heshiis ah oo af iyo qoraal midkoodba ah ay Safaaradda Soomaaliya la gashay shirkada dacwootay.

Hadalka Qunsulkka ayaa imaanaya, iyadoo shirkadaan la sheegay iney dacwada kusoo oogtay Safaaradda Soomaaliya ee Kenya sanadkii 2019-kii, waxay shirkadda ku dooday in Safaaradda ay jebisay heshiiska una diidday shaqaalaha shirkadda inay bilaabaan mashruuca iyo inay bixiso lacagtii harsaneyd oo ay ku sheegtay Sh23.4 milyan ahayd oo lacagta Kenya ah.

Si kastaba ha ahaatee dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa xariga laga jaray sanadkii 2020, markaas oo uu wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad uu xariga ka jaray kadib dayactir lagu sameeyay dhismaha Safaaradda.