7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 2 , 2023
Puntland oo sheegtay inay qabatay shakabado Shabaab katirsan oo qorsheynayay inay qaraxyo geystaan maalmaha ciidda
 

Axad, Luulyo, 2, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheikh Cali jifo-jabsade, ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen shabakado katirsan Alshabaab, kuwaas oo uu sheegay inay doonayeen inay qaraxyo ismiidaamin ka fuliyaan goobaha lagu ciidayo ee Gaalkacyo.

Guddoomiyaha gobolka Mudug wuxuu sheegay sidoo kale in laamaha amnigu ay qabteen Shabaabkii Gaalkacyo dilalka ka geysan jiray muddooyinkii ugu dambeeyay.

Ma sheegin guddoomiyuhu goorta iyo meesha lagu qabtay shabakada Alshabaab ee qorsheynayay weeraro ka dhan amniga magaalada Gaalkacyo.

Hase ahaatee wuxuu tilmaamay in laamaha amnigu tallaabo adag qaadeen, isagoo sheegay in la fashiliyay dhagaro iyo khataro amni oo lagu fashilin lahaa nabad galyada Gaalkacyo.

Hadalkan ayuu guddoomiyuhu ka sheegay iskusoo baxa ciida Carafo, halkaas oo uu shacabka ku baraarujiyay in aanay ka baqin inay hay’adaha amniga lasoo wadagaan xogta amniga, sidoo kalena aysan guryahooda ka kirayn qof aan la garanayn.