7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 19, 2023
Wasiirka ganacsiga oo beeniyay inuu 10 shaqaale ah ka ruqseeyay hay'adda Tayo dhowrka
 

Arbaco, Luulyo, 19, 2023 (HOL) - Wasiirka ganacsiga xukuumadda Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa beeniyay in wasaaraddiisa uu ka shaqaaleysiiyay dad eheladiisa kamid ah, isagoo sheegay in si qaldan loo fasirtay hadal uu sheegay.

Wasiirka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hal qof oo katirsan qaraabadiisa uusan ka shaqaaleysiin wasaaraddiisa. Wuxuu sheegay shaqaalihii uu wasaaradda ugu yimid in ay weli ka shaqeeyaan.

Wasiir Jibriil waxa uu sheegay, 10 qof oo lagu eedeeyay inuu ka ruqseeyay wasaaraddiisa in aanay waxba ka jirin, isagoo sheegay shaqaalahaasi in laga ruqseeyay hay’adda tayo dhowrka Soomaaliya oo hoos timaada wasaaradda ganacsiga.

“Dabcan, anigu dalka waan ka maqnaa markii la ruqseenayay. Markaan imidna waxaa la ii sheegay in dad kale oo cusub loo qaatay, madaama ay hay’addu u baahan tahay dad khabiir ah oo ku shaqayn kara sheybaarka,” ayuu yiri wasiirka ganacsiga.

Wuxuu sheegay shaqaalaha dambe ee la qaatay in uusan ku jirin hal qof oo isaga xaggiisa ka socda, sidoo kalena uusan wax talo ah ku lahayn magacaabiddooda.

Laakiin wuxuu sheegay habkii loo maray ruqsaynta shaqaalihii hore in ay ahayd arrin sax ah oo waafaqsan habraaca dowliga ah. Wuxuu sheegay shaqaalihii hore in ay ahaayeen dad aan qibrad badan lahayn.