7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 19, 2023
Madaxweynaha Hiiraan State oo magacaabay Taliyaha ciidanka Daraawiishta degmada Matabaan

Arbaco, Luulyo, 19, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan ayaa Maanta magacaabay Taliyaha ciidanka Daraawiishta maamulka Hiiraan state ee degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Wareegtada kasoo baxday Xafiiska madaxweyne Cali Jeyte ayaa Taliyaha ciidanka Daraawiishta Hiiraan State ee degmada Matabaan waxaa loogu magacaabay Cumar Irsaq Cabdi.

Wareegtada waxaa sidoo kale lagu faray hay'addaha amaanka oo ay quseyso iney la shaqeyaan Taliyaha cusub ee ciidanka Daraawiishta degmada Matabaan ee maamulka Hiiraan State.

Magacaabista Taliyaha ciidanka Daraawiishta degmada Matabaan ee maamulka Hiiraan State ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo degmada Matabaan ay ku sugan yihiin maamul hoostaga Hirshabeelle oo horay u taageeray xilka qaadistii uu ku sameeyay madaxweyne Guudlaawe Cali Jeyte Cismaan.

Madaxweynaha maamulka la baxay Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan ayaa maalmahii ugu dambeeyay sameeyay magacaabista xil kala duwan oo ka mid ah maamulka Hiiraan State sida guddoomiyaal iyo Taliyeyaal ciidan.

Hoos ka akhriso Wareegatada magacaabista:-