7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 19, 2023
Dowladda Fedaraalka oo shaacisay in todobaad gudahiis la dilay 200 oo ka mid ah Ururka Al-shabaab

Arbaco, Luulyo, 19, 2023 (HOL) - Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Jenaraal Cabdullaahi Cali Caanood oo Maanta la hadlay warbaahinta dowladda ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolada dalka.

Jenaraalka ayaa sheegay in ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa Daraawiishta maamulada Galmudug iyo Jubbaland ay howlgalo culus ka sameeyeen maalmahii lasoo dhaafay deegaano ka tirsan maamuladaas, islamarkaana lagu dilay dagaalamayaal badan oo ka tirsan shabaab.

Afhayeenka ayaa xusay in mudo todobaad gudahiis ah ciidanka xoogga dalka ay ku dileen 200 oo ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab oo uu tilmaamay in 100 ka mid ah lagu dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay  deegaano ka tirsan Jubbaland.

"Ciidanka qaranka oo garab ka helaya saaxiibada Caalamiga ah waxay todobaad gudahiis ku dileen 200 oo ka mid ah Ururka Al-shabaab, 14 iyo 15-kii bishaan dagaal xiriir ah oo ka dhacay Jubbaland, gaar ahaan deegaanka Weel maaro ayna qeyb ka ahayeen saaxiibada Caalamiga waxaa lagu dilay 100 xubnood oo Al-shabaab ah, sidoo kale howlgalo saaka ka dhacay deegaanka Cali Qurac waxaa lagu dilay 50 xubnood" ayuu yiri Jeneraal Caanood.

Gabagabadii Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Jeneral Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay inuu dhawaan bilaaban doono wajiga labaad ee howgalada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab.