7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 19, 2023
Afhayeenka Guddida 33 ka oo ka warbixiyay khasaaraha dagaalkii shalay ka dhacay Laascaanood

Arbaco, Luulyo, 19, 2023 (HOL) - Afhayeenka Guddida 33 ka Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Fallaalug, ayaa sheegay in dhinacooda uu dagaalkii shalay Laascaanood ka dhacay soo gaadhsiiyay dhimasho, dhaawac iyo burbur dhismayaal.

Waxa uu sheegay in dagaalkii shalay uu ahaa dagaal xoog leh, isla markaana khasaaraha dhimashada dhankooda soo gaadhay aanu badnayn, lakiin uu dhaawacu badnaa.

"Dagaal kaasi dagaal xoogwayn ayuu ahaa oo ilaa cadceed dhici socday, khasaare badan ayuu gaystay oo dhimasho iyo dhaawac leh, oo burbur magaalo leh, dhimashadu sidii dagaaladii hore uma badna lakiin dhaawaca ayaa badan" ayuu yidhi Fallaalug.

Waxa uu sheegay in muddo 7 billood ah uu dagaalku ka socdo magaalada Laascaanood, oo uu ka socdo goob kooban, sababtuna ay tahay Somaliland oo millateri awood leh soo dhoobtay, wuxuuna inta ku daray in uu dagaalku socon doono hadii anay Somaliland ciidankeeda la bixin.

"Ciidankan magaalada dul dagan iyo duqayntan joogtada ah cida wada ayaa laga rabaa in ay nabada qaadato, oo ka dul qaado cida ay duqaynayso, dagaalkana ay joojiso" ayuu yidhi Fallaalug.

Mar la waydiiyay in ay iyagu qaadeen dagaalkii shalay, ayuu kaga jawaabay in ay dantu baday in ay weerar qaadaan oo ay iska kiciyaan ciidamada Somaliland, waxa uuna mar kale sheegay in anay jirin ciidamo Puntland leedahay oo Laascaanood jooga.