7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 19, 2023
Wasiirka ganaciga Soomaaliya: Cidda ugu horraysa oo aan wax siinayo waa qarabadeyda

Arbaco, Luulyo, 19, 2023 (HOL) - Wasiirka ganacsiga xukuumadda federalka Soomaaliya, xildhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa si cad u sheegay fursad walba oo shaqo ah oo kasoo baxda wasaaraddiisa inuu uga faa'idayndoono qaraabadiisa.

Wasiirka ganacsiga ayaa hadalkaan ka hor sheegay guddi xildhibaano oo ugu tagay xafiiskiisa, si ay wax uga weydiiyaan arrimo wasaaraddiisa ku saabsan iyo eedeymo loosoo jeediyay.

“Cidda ugu horraysa oo aan wax siinayo waa qarabadeyda, toban boos ayaa hadda laga hadlayaaye haddii aan toban kale helo iyaga ayaan siinayaa, iyagaan metelaa oo i daba taagan, wax aad idinba samayn lahaydeen markaa kuraasta fadhiisataan ha igu eedaynina," ayuu yiri wasiirku.

Wasiirkii hore ee ganacsiga, Maxamuud Cabdi Xayir Maareeye, oo katirsanaa guddiga su’aalaha weydiinayay wasiirka, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay, in wasiirku si toos ah u sheego hadal dhaawici kara kalsoonida lagu qabo dowladda, sidoo kalena uu qalbi jab ku yahay dhallinyarada Soomaaliyeed ee shaqo la’aanta ah.

Guddiga xildhibaanada ayaa ku eedeeyay wasiirka ganacsiga in wasaaraddiisa uu ka ceyriyay shaqaale horey u joogay, isagoo keensaday kuwo xigtadiisa ah. waxay sheegeen inay hayaan caddeymo ku filan arrintaas.