7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 19, 2023
Guddoomiye ku xigeenkii degmada Awdheegle oo lagu dilay magaalada Muqdisho
 

Arbaco, Luulyo, 19, 2023 (HOL) - Kooxo hubeysan ayaa Saakay ku dilay degmada Xamarjajab ee magaalada Muqdisho guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo Maaliyada degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose Faqay Cabdulle Mayoow.

Guddoomiye ku xigeenkii degmada Awdheegle  ayaa u geeriyooday dhowr xabadood oo ay dableyda hubeysneyd kaga dhufteen qeybaha sare ee jirkiisa, waxaana dilka kadib goobta ka baxsaday kooxda fulisay dilka marxuumka.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Fedaraalka oo dilka kadib gaaray goobta lagu dilay marxuumka ayaa halkaas ka qaaday meydka oo ay geeyeen xarunta hay'adda dambi baarista ee CID-da.

Faqay Cabdulle Mayoow dilkiisa waxa uu qeyb ka noqoya dilal qorsheysan oo sidaan oo kale horay loogu geystay gudaha magaalada Muqdisho masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dad shacab ah, kuwaas oo ay masuuliyadooda sheegteen kooxda Al-shabaab.

Dhinaca kale Qaar ka mid ah ehelada marxuumka dhintay ayaa beeniyay in Faqay Cabdulle uu ahaa masuul xil ka haayay degmada awgdheegle, waxayna warbaahinta u sheegeen inuusan aheyn gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo Maaliyada degmada Awdheegle oo uu ahaa qof nabadoon ah.

"Ma jirin wax xil ah uu ka hayay Awdhgeegle wuxuu ahaa nabadoon, haduu ahaa qof xil haayo wuxui joogi lahaa meesha uu xilka ka haayo oo xafiis ayuu subax walba u shaqo tagi laha Xamarna wuu degana Afgooyana wuu dagana mana aheyn qof xil haaya, meesha lagu dilay ciidan dhar cad ayaa buuxay ee dowladda cadaalada noo keento cidii dishay" ayuu yiri mid ka mid ah ehelada marxuumka saakay la dilay.