7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 19, 2023
Somaliland iyo SSC Khaatumo oo midba midka kale ku eedeeyay in uu qaaday dagaalkii shalay ka dhacay bariga Laascaanood

Arbaco, Luulyo, 19, 2023 (HOL) - Somaliland iyo SSC Khaatumo ayaa midba midka kale ku eedeeyay in uu masuul ka ahaa dagaalkii shalay dhinacyada ku dhexmaray bariga magaalada Laascaanood.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Guddaha Somaliland ayaa lagu yidhi "Ciidamada Maamulka Puntland ee Soomaaliya oo garab ka helaya kooxaha huwanta iyo argagixisada ayaa saaka weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool".

Somaliland ayaa sheegtay in aanu ciidankeedu duulaan ahayn, laakiin ay is difaacayaan hadii lasoo weeraro.

Dhinaca kale qoraal kasoo baxay SSC Khaatumo oo lagu baahiyay barta Twitterka ayaa lagu sheegay in ciidamada Somaliland ay dagaal iyo duqayn magaalada Laascanood ku bilaabeen isla markaana ay waxyeelo soo gaadhay qaybo kamid ah hantida dadwaynaha.

"Maleeshiyaadka Somaliland ayaa soo weeraray dhinaca bari ee magaalada Laascaanood abaaro 12 duhurnimo wakhtiga guddaha iyaga oo magaalada la dhacay hoobiyayaal waxyeelo gaadhsiiyay dhismayaal dadweyne" ayaa lagu yidhi qoraalka.

Dagaalkii shalay ayaa socday saacado badan iyada oo xabadu sii dhacaysay ilaa cadceed dhicii, waxa jira khasaaro naf iyo saanad leh oo dhinacyada soo kala gaadhay, inkasta oo aan la hubin khasaaraha rasmiga ah.