7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 17, 2023
Xubanaha xisbiyada mucaaradka ugu jira Guddida Doorashooyinka Somaliland oo qaadacay go'aanka guddidu ku dhawaaqday
 

Isniin, Luulyo, 17, 2023 (HOL) - Labada xubnood ee Guddida Doorashooyinka Somaliland ugu jira labada xisbi mucaarad ayaa sheegay in ay qaadaceen go’aankii guddidu ku cayintay wakhtiga la qabanayo doorashooyinka ururada iyo madaxtooyada.

Afhayeenka Guddida Doorashooyinka Cabdicasiis Xirsi Warsame oo kamid ah labada xubnood ee mucaaradka ugu jira guddida ayaa sheegay in go'aanka guddidu ay qaadatay uu baalmarsana nidaamka guddidu ku shaqayso.

"30 daqiiqo kadib markii aanu shirka kasoo baxnay ayay warqada soo saareen, warqada intaa leegi waxay u muuqatay mid iska sii qornayd, oo koomiishanka dibadiisa lagu soo qoray, taasi oo aan ahayn dhaqanka koomiishanka"  ayuu yidhi Afhayeen Xirsi.

Waxa uu sheegay in anay sharci ahayn warqada guddidu ay soo saartay, isaga oo sheegay in ay ka tanaasuleen fikiro badan oo ay qabeen, lakiin xunnaha kale ee guddidu ay ku adkaysteen go'aankooda ah in ay go'aankaa soo aaraan.

Waxa uu sheegay in ay la tashadeen ururada bulshada, xisbiyada iyo shacaka Somaliland islmarkaana ay doonayeen in ay soo saaraan wax umada Somaliland ku wada qancaan, lakiin ay xubnaha kale go'aan kaligood qaateen.

Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa galabta ku dhawaaqay in doorshada ururadu ay qabsoomayso 28 December 2023, isla markaana doorashada madaxtooyadu ay dhaci doonto 13 November 2024.