7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 17, 2023
Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay ergayga gaar ah ee Xogeeyaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya
 

Isniin, Luulyo, 17, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa  ku qaabiley Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing.

Kulanka ayaa ugu horayn lagaga wadahadlay nidaamka wadashaqaynta Qaramada Midoobay iyo Somaliland, iyo sii xoojinta mashariicda Qaramada Midoobay, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Somaliland.

"Kulankan, ayaa lagaga wada hadlay arrimo ay kamid yihiin nidaamka wada-shaqayneed ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Qaramada Midoobay, sidii loo dardar-gelin lahaa loona xoojin lahaa mashaariicda Qaramada Midoobay ka waddo gudaha Somaliland" ayaa lagu yidhi qoraalka.

Waxa kale oo laysla soo qaaday wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya, iyo xaalada guuud ee colaada ka taagan magaalada Laascaanood.

"Waxa kale oo laga wada hadlay wada-hadaladii u dhexeeyey Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo arrinta la iska waydaarsaday aaraah. Sidoo kale waxa kulanka lagaga hadlay xaaladda guud ee la xidhiidha colaada Laascaanood sidii xal nabadeed looga gaadhi lahaa" ayaa lagu yidhi qoraalka.

Qoraalka madaxtooyada ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay isla afgarteen dhamaan waxyaabihii ay ka wadahadleen.