7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 17, 2023
Xildhibaan Xaawo Sokor " Baydhabo xaalad adag ayaa ka jirta oo kiilada Sokorta waxay mareysa 2 doolar"
 

Isniin, Luulyo, 17, 2023 (HOL) - Dadka ku nool magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa wajahaya xaalado adag oo dhanka nolosha ah oo ka dhashay go'doon ay galisay kooxda Al-shabaab magaaladaas.

Xubno ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed oo warbaahinta la hadlay ayaa walaac xoogan ka muujiyay xaalada nololeed ee dadka reer Baydhabo.

Ururka Al-shabaab ayaa la sheegay iney hor istaageen gaadiidkii raashiinka iyo shidaalka geynaayay magaalada Baydhabo oo ah Caasimadda ku meel gaarka ee maamulka Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Xaawo Sokor oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in maciishada Baydhabo ay cirka isku shareertay mudo 7 maalmood ah, hadii xaalada sidaan sii ahaatana ay qatar kale ka dhalan karto

"Kiilada Sokorta waxay hada Baydhabo ka mareysa 2 doolar, liitarka shidaalka ayaa isna maraya 3 doolar, niman aan badneyd ayaa halis galinaya nolosha dadka reer Baydhabo, madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cabdicasiis Laftagareen waxaan ugu baaqaya in xaaladan si deg deg ah wax uga qabtaan oo aysan sidaan ku fiirsan" ayay tiri Xildhibaam Xaawo Sokor.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in Al-shabaab ay xiligaan xayiraad kusoo rogto magaalada Baydhabo, hayeeshee waxay horay u go'doomisay kooxda degmooyin badan oo ka mid ah gobolada dalka.

Baydhabo waxay ka mid tahay magaalooyinka ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee kasoo barakacay abaarahii ugu dambeeyay ee saameyay dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.