7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 17, 2023
Guddida Doorashooyinka Somaliland oo ku dhawaaqay xiliga ay dhacayaan doorashooyinka madaxweynaha iyo ururada
 

Isniin, Luulyo, 17, 2023 (HOL) - Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in doorshada ururadu ay qabsoomayso 28 December 2023, isla markaana doorashada madaxtooyadu ay dhaci doonto 13 November 2024.

Guddida ayaa ku dhawaaqday in doorashada ururadu ay kasoo horaynayso doorashada madaxtooyada Somaliland, sida ay ku sheegeen qoraal rasmi ah oo ay baraha bulshada ku baahiyeen.

"Koomiishanku waxa uu go'aamiyay in doorashada xisbiyada qaranka la qabanayo taariikhdu markay tahay 28 December 2023, si loo helo saddex xisbi qaran oo ansaxsan, lana siiyo shahaadada xisbinimo ee 10 ka sanno ah" ayaa lagu yidhi qoraalka

Guddida ayaa sheegtay in doorashada madaxtooyadu ay qabsoomi doonto dhamaadka sannadka 2024, markaasi oo ay sheegeen in uu ku dhanyahay mudo xileedka madaxweynaha oo dhawaan 2 sanno golaha guurtidu u kordhiyeen.

"Koomiishanku waxa uu go'aamiyay in doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa la qaban doono bil ka hor mudada xilka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa sida ku xusan qodobka 83aad faqradiisa 2aad ee dastuurka JSL kuna beegan 13 November 2024" ayaa lagu yidhi qoraalka

Koomiishanka ayaa golayaasha sharci dajinta ka codsaday in ay dhamaystiraan wixii qabyo ah ee ka jirta xeerarka doorashooyinka, sidookale daneeyayaasha doorashooyinka ayuu ka codsaday in ay kala shaqeeyaan fududaynta doorashooyinka.

Khilaaf sababay in doorashooyinku dib u dacaan ayaa 2 dii sanno ee u danbaysay ka taagnaa doorashada soo horaynaysa labada doorasho iyada oo mucaaradku ay rabeen in doorashada madaxtooyadu soo horayso.

Hoos ka akhriso qoraalka guddida oo faa faahsan:-