7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 17, 2023
Ciyaarahii Todobaadka Soomaalida Toronto ee Kooxda Seif FC sanadkan Koobka ku guulaysatay


Isniin July 17 2023(HOL) - Tartankii Ciyaaraha Kubadda Cagta ah oo uga socday Magaaladda Toronto ee dalka Canada 18 Kooxad oo kala yimi Canada, Maraykanaka, iyo Ingiriiska ayaa shalay la soo gabagabeeyey tartankan oo la qabto sanad kasta xiligaan oo kale , sanadkaan ahaa kii 31aad waxuuuna bilowday bishaan July 7 markay ahayd ilaa shalay oo 16 july ahayd ayaa la soo gabagbeeyey.

Ciyaarahan sanadkaan 2023 ayaa  waxaa gabagagadii isagu soo haray kooxaha Hilaac FC ka dhasan magaaladdan Toronto iyo kooxda Seif FC  oo iyaduna sidoo kale Toronto ka jirta , waxaana ciyaartii shalay ku dhamaatay barbardhac oo wax goolal ah lama kala dhalin sagaashan kii daqiiqo  la ciyaaray, xili dheeri ah ayaa lagu daray dabadeed waxaa la isla tagay Gool ku laad waxaana  5 iyo 4 guushu ku raacday Seif FC.


Waxaa shalay garoonka soo buux dhaafshay dadwaynaha dagan magaaaladda Toronto iyo madaxda ay soo doortaan oo aan ka xusi karo duqa cusub magaaladda Toronto Olivia Chow .Xildhibaan  hore Faysal Xasan iyo madax kale.

Ururka Today ee magaalada Toronto ayaa iyaguna sanad walba ciyaarahaan si wayn u soo qabanqaabiya iyagoo Marti Sharaf farabadan oo ka kala timi dunida ku soo dhaweeya kuwaas oo u badan bahda Isboortiga kuwii barisamaadkii iyo dhalinta Cuslaatay.

Sanad Walba waxa la qabtaa ciyaaro barbar socda kuwa dhalinyarada oo loo qabto Old Boys ama dhalinta Cuslaatay waxaa sanadkaan ku guulaystay Kooxda Washington oo hogaaminaayey Captankooda Abukar Shaash, lakiin Koob lagu xusaayey mid ka mid ahaa ciyaartooydii lagu bilaabay Tartankaan Somali Week Toronto AUN Saadaq Siraaj oo aad u xiiso badnaa ayaa xusid mudan in sanadkaan lagu ciyaaray Sabtigii la soo dhaafay.

Muse Dhiblaawe Abtiga oo gudiga  ciyaarahan ka tirsan ayaa HOL u sheegay in uu ku faraxsan in ilaah ugu soo dhameeyey si farxad leh, waxuuna Abtiga oo ku haddlaayey magaca TODAY wuu u mahadceliyey ciyaartooyda dhalinyarada ah iyo kuwii magaca ku lahaa bari samaadkii dalka hooyo ee Soomaaliya oo sanad walba ka soo qaybgala ciyaaarahaan.

Siyad Said Salah
Hiiraan Online