7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 16, 2023
Dhacdo Naxdin leh: Nin Xerada Xagardheer ku Gowracay wiil yar uu Abti u ahaa
 

Axad, Luulyo, 16, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya xerada Xagardheer oo ka mid ah xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaasi nin ku hubeysna Tooreey uu ku gowracay wiil yar oo la sheegay inuu Abti u ahaa, islamarkaana sidoo kale uu dhaawacay gabar la dhalatay oo laheyd Uur 8 bilood ah.

Ninka dhacdadaan naxdinta leh geystay ayaa magacaiisa lagu sheegay Cabduqaadir Cabdullaahi, Qof ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Tv-ga Shabeelle ayaa sheegay in ninkaan uu mindi dhuunta ka galiyay wiilka yar oo ahaa sanad jir aan wali socod baran.

“Halkan waxaa ka dhacday arrin aad iyo u fool xun, taasoo ah in wiil uu dilay walaashiis iyo wiil yar oo ilmaha halka sano jira oo gar guuranaayay inuu meeshaan ku dilo, wiilka yaraay wuxuu ku dhuftay toorey isaga oo ka geliyay dhuunta, kadibna sii gowracay, sidoo kale gabar walaashiis ah wuxuu ku dhuftay masaar dhanka madaxa ayuu kaga dhuftay kadibna Baangad ayuu usii raaciyay dhegta way go’day gabadha waxaa loo qaaday isbitaal ku yaalla magaalada Gaarisa” ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka Xagardheer.

Warar soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in ninkaan geystay falkaan naxdinta badan uu isticmaali jiray waxyaabaha maanka dooriya.

Dhacdooyinka aadka u argagaxa badan ayaa mudooyinkii dambe ahaa kuwa kusoo kordhaayay dhulka Soomaalida oo aanan horay looga aqoon dhacdooyinka noocaan oo kale, waxaana maanta dadka deegaanka Xagardheer ay aad u hadal hayaan dhacdadaan naxdinta ku reebtay dadka deegaankaas.