7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 14, 2023
Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Xerada Saraakiisha ee magaalada Muqdisho
 

Jimco, Luulyo, 14, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ah oo gabal dhacii Maanta ka dhacay gudaha xerada Saraakiisha oo ku taala agagaarka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaljya ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa Ismiidaaminta ah ayaa la sheegay inuu fuliyay ruux isku soo xiray Jaakada waxyaabaha qarxa, kaasoo dhex galay goob ay fadhiyeen Saraakiil, askar iyo dad shacab ah.

Qaraxa waxaa ku geeriyooday dad badan oo isugu jira Saraakiil, shacab iyo askar, waxaana dadka dhimashadooda la xaqiijiyay ka mid ah guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda gobolka Shabeellaha Hoose Cabdi Axmed Yuusuf oo loo yaqiinay afar sheegle iyo Sarkaal kale oo magaciisa lagu soo koobay Qaanso.

Dadka ku dhaawacmay qaraxaan Ismiidaaminta ah ayaa dhaawacyadooda la geeyay Isbitaalada ku yaala magaalada Muqdisho, waxaana qaraxa kadib ciidamo ka tirsan dowladda ay xireen gabi ahaan xerada uu qaraxa ka dhacay.

Ma jirto wali wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan khasaaraha ka dhashay qaraxa Ismiidaaminta ah oo jugtiisa si weyn looga maqlay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho iyo degmooyin kale.