7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 14, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh “Aabe ama Adeer isha haka fiirsan wiilkaaga oo mushaar yar dowladda ka qaata oo hadana dhisanaya guryo waaweyn"

Jimco, Luulyo, 14, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta markale si adag uga hadlay Salaadii Jimcaha kadib arrimaha la xariira musuq maasuqa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go'an tahay suulinta xatooyada Xoolaha dadweynaha, wuxuuna shaaciyay in qof walba oo lagu soo eedeeyay xatooyo Xoolo dadweyne uu heli doono garsoor Cadaalad ah.

“War ha cararin hadaadan tuug aheyn oo aadan wax isku ogeyn, in maalin aad maxakamad hor istaagtay oo aad garrantay danbi ma ahan, laakin in lagugu cadeeyo waxii laguugu eedeeyay ayaa dambi ah”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay ineysan jirin cid ama koox gaar ah oo lagu siyaasadeynayo xatooyada Xoolaha dadweynaha oo uu sheegay in loo fasiray beegsi koox gaar ah, wuxuuna digniin kama dambeys ah u diray dadka masuuliyiinta ah ee indhaha ka fiirsada xatooyada la sameynayo oo aan ka hadleyn ama aan ka hortageyn.
“Qofka musuqa sameynaya ninka ka celi karay ee ka celi waayey, waxaan hoosta ka xariiqayaa in isaguna uusan ka dembi yareyn” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay in qofkii lagu waayo xatooyo xoolo dadweyne uu heli doono shahaado cadeyneysa inuu yahay qof aamin ah, islamarkaana ay dadka Soomaaliyeed marqaati ka wada noqon doonaan.

Wuxuu sidoo kale sheegay madaxweynaha in waalidiinta iyo ehelada dadkooda dowlada ka tirsan ee dhisanaya daaraha dhaadheer iyagoo qaata mushaar kooban ineysan raali ka noqon xatooyada uu ku jiro wiilkooda oo ay ka waaniyaan xatooyada Xoolaha dadweynaha.

“Aabe ama Adeer isha haka fiirsan wiilkaaga oo mushaar yar dowladda ka qaata oo hadana dhisanaya guryo waaweyn, adigoo aan garaneyn halka uu lacagta ka keenay, ka waani xatooyada oo weydii halka ay hantidu ka soo gashay oo xasuusi qiyaamaha iyo Alle ka cabsiga si uu uga waan toobo xatooyada Xoolaha dadweynaha" ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadalka madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo xubno ka tirsan dowladda oo lagu eedeeyay xatooyo Xoolo dadweyne qaarkood la xiray, halka qaar kalana ay baxsadeen.