7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 14, 2023
Maamulka gobolka Banaadir oo digniin adag kasoo saaray qorshe ay damacsan tahay kooxda Al-shabaab

Jimco, Luulyo, 14, 2024 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa uga digay masuuliyiinta degmooyinka gobolka Banaadir isku dayo kooxda Al-shabaab ay ku dooneyso iney dad la shaqeeyo kaga dhex sameysato magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Guddoomiye Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa sheegay in masuulkii lagu ogaado inuu wax xiriir ah la sameeyo Ururka Al-shabaab la horgeyn doono Cadaaladda, islamarkaana la marsiin doono ciqaab mida ugu adag.

Wuxuu xusay in Cadaaladda ay tahay mid loo wada siman yahay shacab iyo masuul qofkii lagu helo inuu wax la wadaago kooxda Al-shabaab la horgeyn doono Maxakamadaha ku shaqada leh.

“Masuuliyad inta uu doonno hala ekaato qofkii khawaarij u dhawaada, ku raad yeesha ama maalin wax dhex mareen Caddaaladda ayaa soo qaban doonto" ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir  Yabooh.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in kooxda Al-shabaab dhibaatooyinka ay ka geystaan Muqdisho iyo guud ahaan dalka in lagala shaqeeyo oo aysan kaligood fulin karin dhibaatooyinka ay geystaan.

"U maleyn maayo in dhibka ay dalka ka wadaan ama caasimadda ka wadaan iney kaligood wadaan, dad naga mid ah maamul ama hay’adaha amniga haku jiraan ama dadka shacabka ah haku jiraan ayaa hoggaaminaya, qofkii mas’uul ah ee la ogaado in uu khawaariij la shaqeynayo wuu ka dambi badan yahay Shacabka, qof walba waa inuu ka dheeraadaa" ayuu yiri guddoomiye Maxamed Axmed Diiriye Yabooh.