7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 14, 2023
Hay'adda Caafimaadka Adduunka oo cambaaraysay weeraro lagu qaaday xarumaha caafimaadka Laascaanood
 

Jimco, Luulyo, 14, 2024 (HOL) - Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, ayaa cambaaraysay duqaymo dhawaan lagu burburiyay qaybo kamid ah isbitaalka Laascaanood.

Madaxa Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus, oo bartiisa Twitterka ku baahiyay qoraal ay hay'addu ku cambaaraynayso weerarada, ayaa sheegay in bukaan iyo shaqaale caafimaad ay ku dhinteen weerarka.

"WHO waxay cambaaraynaysa weerarka lagu qaaday xarumaha adeega caafimaadka ee Laascaanood kaasi oo sababay dhimashada iyo dhaawaca daraasiin dad ah, oo ay ku jiraan shaqaalaha adeega caafimaadka iyo bukaan" ayuu yidhi Adhanom.

Ciidamada SSC ayaa dhankooda ku eedayay millateriga Somaliland in ay fuliyeen duqaymo burburiyay qaybo kamid ah isbitaalka Laascaanood, Somaliland ayaa iyaduna dhankeeda iska difaacday eedaynta iyada oo sheegtay in xoogaga kasoo horjeeda ay dhibaatada gaysteen.

Dagaalka Laascaanood ayaa intii uu socday burbur soo gaadhsiiyay xarumaha adeega bulshada, sida caafimaadka, biyaha iyo isgaadhsiinta ee magaalada.