7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 14, 2023
Ciidamada Daraawiishta Jubbaland oo dagaal culus kula wareegay deegaanka Gerileey

Jimco, Luulyo, 14, 2024 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Gerileey ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in markale uu Xalay halkaasi ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Daraawiishta Jubbaland ay Xalay weerar culus ku qaadeen deegaanka Gerileey oo galinkii hore ee Shalay kala wareegeen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Dagaalka Xalay ka dhacay Gerileey ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiiisa kala duwan, kaasoo aanan la ogeyn khasaraaha rasmiga ah ee ka dhashay, waxaana dadka deegaanka ay warbaahinta u sheegeen in ciidamada Daraawiishta Jubbaland ay u suurta gashay iney dib ula wareegaan gacan ku heynta deegaanka Gerileey.

Waa markii labaad mudo laba todobaad gudahood ah ay kooxda Al-shabaab weerar culus ku qaadaan deegaanka Gerileey kadib markii dhamaadkii bishii lasoo dhaafay ay faarujiyeen ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka ciidanka ATMIS Saldhigii ay halkaasi ku lahayeen mudo ku dhaw 10 sano.

Deegaanka Gerileey ayaa ah deegaan muhiim u ah isku socodka deegaanada kale ee gobolada Gedo iyo Jubbooyinka ee maamul goboleedka Jubbaland.