7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 14, 2023
Maamulka degmada Jalalaqsi oo sheegay iney helin xuquuqdii degmada ku lahayd dowladda Soomaaliya
 

Jimco, Luulyo, 14, 2024 (HOL) - Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan Nuur Dheere oo goob fagaare ah kala hadlaayay qeybaha kala duwan ee bulshada degmada ayaa shaaca ka qaaday in degmada ay tahay mid dayacan oo aanan helin adeegyadi aas aasiga u ahaa bulshada reer Jalalaqsi.

Guddoomiye Nuur Dheere ayaa codsaday dowladda Fedaraalka Soomaaliya in degmada Jalalaqsi ay soo gaarsiiso xaquuqda dadka ku nool degmada ay ku leeyihiin dowladda Soomaaliya iyo tan maamulka Hirshabeelle.

Wuxuu sidoo kale sheegay in degmada ay la dayacan tahay oo aysan heysan Saldhiga dowladda, xarumo Caafimaad iyo Waxbarasho, isagoona xusay in dadka degmada ay yihiin kuwa jecel dowladnimadda oo ka qeyb qaatay xureynta kooxda Al-shabaab.

"Degmada waa dayacan tahay oo ma helin xaquuqdii dowladda ay ku laheyd, tusaale hada hadii gabar fool qabato waxaa loola cararaya Jowhar iyo meelo kale oo ay dhiig bax ugu dhimane inta lasii wado Isbitaalkii weyna wuu dunsan yahay in la dhiso ayuu raba, Saldhigii dowladda maleh, Waxbarashada meelo burbursan oo liito ayaa hada wax lagu bara Caruur, marka waxaan cidsan laheyn xaquuqda degmada ka maqan inaan helno" ayuu yiri guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan Nuur Dheere.

Degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah degmooyinka ugu amaanka wanaagsan gobolka Hiiraan, mana lahan degmadaasi xarun Caafimaad oo hooyadii umul qabata loogu adeegi karo, tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee dalka.