7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 13, 2023
Madaxtooyada oo war murtiyeed kasoo saartay kulankii madaxweyne Xasan Sheikh iyo madaxdii hore ee dalka
 

Khamiis, Luulyo, 13, 2024 (HOL) - Madaxtooyada Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed kooban kasoo saartay kulankii u dhaxeeyay madaxweyne Xasan Sheikh, madaxdii hore ee dalka, iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta, kulankaas oo labo maalin ka socday magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeedka madaxtooyada kasoo baxay laguma sheegin wax heshiis ah ama is-fahan ah oo ay gaareen madaxweynaha iyo siyaasiyiinta.

Hase ahaatee, Agaasimaha warfaafinta xafiiska raysal wasaaraha oo warbaahinta u aqrinayay qod0bada kasoo baxay shirka, ayaa sheegay in dhinacyadu ay bogaadiyeen geeddi socodka dayn cafinta dalka, iyo la dagaalanka Alshabaab.

Afhayeenka wuxuu sheegay in dhinacyadu ay walaac weyn ka muujiyeen ka maqnaanshaha Puntland, wadatashiga arrimaha masiiriga ah ee dalka, isagoo sheegay in lagu baaqay in ay muhiim tahay ka qeyb galkeeda.

War saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in kulamada nuucaan ahi ay dowladdu joogtayndoonto, si looga wadatashado arrimaha masiiriga ah ee dowladnimada Soomaaliya.

Kulanka Wadatashiga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u fidiyey Madaxda iyo masuuliyiintii hore waxay dowladdu sheegtay inuu ka tarjumayo aragtida lagu gaari karo Soomaaliya amni ah, barwaaqo ah oo isku filan.