7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 13, 2023
Golaha Wasiiradda oo Maanta ansixiyay magacaabista Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha

Khamiis, Luulyo, 13, 2024 (HOL) - Shirka Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya oo uu Maanta shir guddoomiyay Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa lagu ansixiyay magacaabista Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo ku timid soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha.

Bishaan sideedeedii ayay aheyd markii uu wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya uu u magacaabay agaasimaha kumeel gaarka ee hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Axmed Siciid Maxamed, kaasoo Maanta Golaha ay ansixiyeen magacaabistiisa.

Kulanka Golaha Wasiiradda waxaa sidoo kale lagu ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee magacaabista xubnaha Golaha maamulka Hay’adda Korontada oo laf dhabar u noqon doonta kor joogtaynta farsamo iyo dhaqan galinta sharciga Korontada, waxaana xubnahan oo ka kooban sagaal xubnood la sheegay in lagu soo xushay khibraddooda.

Waxaa sidoo kale Shirka Golaha Wasiirrada ee maanta lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Hubka Soomaaliya, Xeerka amniga iyo Bedqabka xurumaha dowladda, sida Amniga Hotelada, Goobaha Ganacsiga iyo xarumaha kala duwan adeegyada dadweynaha.

Kulanka Khamiislaha ee Golaha Wasiiradda ayaa gabagabadiisa waxaa warbixino kala duwan looga dhageystay Wasaaraddaha kala ah Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta, Gaashaandhiga, Amniga Gudaha, iyo Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare.