7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 13, 2023
Alshabaab oo la wareegay saldhiggii ugu horreeyay ee ay ka baxeen ciidamada ATMIS

Khamiis, Luulyo, 13, 2024 (HOL) - Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay inay maanta la wareegeen degaanka Geriley ee gobolka Gedo, halkaas oo maalmo ka hor ay ka baxeen ciidamada Kenya ee qeybta ka ahaa howgalka nabad ilaalinta ee ATMIS.

Alshabaab ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku sheegeen inay dagaal dhowr jiho ah ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Jubbaland, kuwaas oo dhawaan lagu wareejiyay saldhigga ay ka baxeen ATMIS.

Waa deegaankii ugu horreeyay ee ay ka baxaan ciidamada ATMIS oo ay qabsadaan Alshabaab, tan iyo markii dhawaan 2000 askari oo katirsanaa ciidanka Midowga Afrika ay baneeyeen 7 saldhig oo ciidan.

Geriley waxay ka mid ahayd 7 xarun oo ay wareejiyeen ciidamada ATMIS ee nabad ilaalinta Soomaaliya, taasi oo qayb ka ah dhimista ciidamdaas ka hor bixitaankooda bisha December ee sannadka dambe.

Dhawaan, madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka digay in ciidamada ATMIS ay ka baxaan dalka. Wuxuu sheegay inay ahayd go’aan  aan laga fiirsan cawaaqib xumada ka imaan karta.