7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 13, 2023
Dowladda Fedaraalka oo shaacisay in Jubbada Hoose lagu laayay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo u badan Ajaaniib
 

Khamiis, Luulyo, 13, 2024 (HOL) - Ciidamada Kumaamooska Danab iyo kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa Xalay howlgal qorsheysan oo lagu dilay 17 xubnood oo ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab ka sameeyay duuleedka deegaanka Weel maaro ee gobolka Jubbada Hoose.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xubnaha howlgalka lagu dilay ay ka mid ahayeen tiro dhalinyaro ah oo kooxdu ay dhawaan tababar ugu soo xirtay deegaanka Caanoole ee duuleedka degmada Bu'aale.

"Tiro Maleyshiyo ah oo dhawaan kasoo qalinjabiyey dugsi isqarxinta lagu baro dhallinyarada Cadowgu qalday oo ku yaala deegaanka Caanoole ee duleedka Degmada Bu'aale ayaa howlgalka lagu beegsaday waxaana halkaas lagu gaarsiiyay khasaare xooggan" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan ciidanka oo la hadashay warbaahinta qaranka ayaa sidoo kale sheegeen in 17-ka xubnood ee Xalay howlgalka lagu dilay ay u badan yihiin kuwa ajaaniib ah.

Ciidamada iskaashanaya ayaa sidoo kale la sheegay iney burburiyeen Saldhig ay isku aruursanayeen kooxda oo ku yaala duuleedka deegaanka Weel maaro ee gobolka Jubbada hoose.

Si kastaba ha ahaatee Shalay ayay aheyd markii dowladda Fedaraalka shaacisay in howlgal ka dhacay deegaanka Weel maaro ay ku dileen ciidanka Danab iyo kuwa Jubbaland 40 ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab oo ay ku jireen tiro horjoogayaal ah.