7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 13, 2023
Injineer Xasanow Maxamuud oo ku geeriyooday dalka Mareykanka
 

Khamiis, Luulyo, 13, 2024 (HOL) - Allaha u naxariistee waxaa magaalada Fairfax ee gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ku geeriyooday Injineer Xassan Maxamuud Maxamed oo ku magac dheeraa Injineer Xasanow, kana mid ahaa injineerradii ugu caansanaa ee Soomaaliya. Injineer Xasanow ayaa waxaa si weyn loogu xasuustaa dowrkii uu ka qaatay dhismaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Injineer Xasanow oo ku geeriyooday da’da 79 jir, ayaa ahaa siyaasi, ganacsade, bare jaamacadeed iyo sidoo kale sarkaal sare oo ka tirsan Ciidankii Booliiska Soomaaliyeed.

Halkan ka akhriso  taariikh nololeedkii Inj. Xasanow Maxamuud Maxamed:

Allaha u naxaristee, Injeer Xassanow ayaa ku dhashay magaalada Muqdishu, halkaasi oo uu waxbarashada qur’aanka kariimka, dugsiga hoose illaa dugsiga sare ku dhammeystay.

Marxuumka ayaa ka dibna ku biiray Ciidammada Booliska Soomaaliyeed 1964-kii, wuxuuna sannadkii 1965-kii ku guuleystay tartan Leyli Sarkaal oo loogu diray Kulliyada Modena ee dalka Talyaniga. Inj. Xasanow ayaa kaddibna waxa uu galay Kulliyada Injineriyadda ee Jaamacadda Torino ee isla dalka Talyaaniga. Waxa uu ahaa arday aad u fahmo badan, waqtina geliyay waxbarashadiisa, waxaana uu sidaas ku muteystay inuu ku qalan jebiyo darajo sare.

Waxa uu dib ugu soo laabtay dalka, isagoo noqday sarkaal Injineer ah, waxaana uu madax ka noqday hoggaanka dhismaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Waxa uu Ciidanka Booliska ka gaaray darajada Gaashanle Sare, islamarkaana waxa uu noqday bare aad loo jecel yahay oo ka tirsan Kulliyada Injineeriyadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Waxa uu ahaa aqqoonyahay Cilmiga Injineeriyada oo ka dhex muuqda bahda Injineerrada dhismaha ee Soomaaliya.

Injineer Xassanow ayaa Allaha u naxariistee waxa uu ahaa qof aad waxbarashada u jeclaa isaga shahaadada adeegsiga teknolojiyadda ee farsamada dhismaha ka qaatay Jaamcad ku taalla magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Waxa uu dalka Soomaaliya ka abuuray shirkadda dhismaha oo dhismayaal badan sida xarunta Ciidanka Asluubta iyo mashaaric hay’adaha caalamiga ah ay maalgelinayeen ka hirgelisay Muqdisho iyo gobollada dalka.

1991-kii, ayaa Injineer Xassanow waxaa loo magacaabay xilka Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo guryeynta ee dowladdii KMG ahayd.

Injineeer Xassanow ayaa ahaa hoggaamiye bulsho, aftahan ah, bashaash ah, daryeela dadka dhibaateysan, aqqoon sare leh oo aad looga yaqaan Soomaaliya, Mareykanka, Talyaniga oo muddo ku noolaa, islamarkaana waxa uu ku lahaa saaxiibo fara badan daafaha addunka.

Injineer Xassanow ayaa Allaha u naxariistee waxa uu ifka kaga tagay 21 qof oo isugu jira caruurtiisa iyo ubadka ay sii dhaleen.

Waxa aan Allah subxaanahu wa tacaalaa uga baryaynaa in uu marxuum Inj. Xassanow u naxariisto, u danbi dhaafo, kana waraabiyo Jannadiisa firdowsa ah. Caruurtiisa, ehelkiisa, iyo saxiibadiisana waxaan Allah kaga baryeynaa in uu siiyo sabar iyo iiman aan la soo koobi karin. Aamiin, Aamiin, Aamiin.