7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 12, 2023
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo digniin adag u diray Xildhibaanada aanan soo xaadirin fadhiyada Golaha Shacabka
 

Arbaco, Luulyo, 12, 2024 (HOL) - Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo Maanta shir guddomiyay kulanka Golaha Shacabka ayaa si adag uga hadlay Xildhibaanada aanan soo xaadirin fadhiyda Golaha.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in fadhi walba ee Golaha Shacabka aysan soo xaadirin tiro gaareysa 130 Xildhibaan, islamarkaana taasi aysan aheyn mid la aqbali karo in Xildhibaanada ay bilaa fasax iska maqnaadaan.

“Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa guud ahaan nahay 275 Xildhibaan, fadhiyada waxaa imaada 145 Mudane halka ay maqan yihiin 130 kale oo aan wax cudur daar ama fasax ah intooda badan laga heyn, Xildhibaanno badan ayaa inta noo yimaadeen nagu dhaheen Guddoomiye maxay u maqan yihiin Xildhibaannadaas waa sax hadalkaas balse waxa ay ahayd in aan annaga dhahno oo aan la xisaabtanno” ayuu yiri guddoomoye Sheekh Aadan Madoobe.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in la dhaqan galinayo xeer hoosaadka Golaha Shacabka si loo ciqaabo Xildhibaanada caadeystay ineysan imaan fadhiyada Golaha, isagoo xusay in xeer hoosaadka uu dhigayo in Xildhibaankii maqnaada fadhiyada Golaha fasax la'aan muda laba sano ah inuu waynaayo xilka Xildhibaanimo.

Hadalkaan kasoo yeeray guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa imaanaya, iyadoo marar badan kulamada Golaha Shacabka ay u baaqdeen kooram la'aan, maadama aysan inta badan aysan soo xaadirin Xildhibaanada Golaha Shacabka.