7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 12, 2023
Puntland oo fal argigixiso ku tilmaamtay gubitaanka xarun ganacsi oo kutaalay magaalada Boosaaso

Arbaco, Luulyo, 12, 2024 (HOL) - Puntland ayaa fal argigixiso ku tilmaamtay mid kamid ah xarumaha ganacsiga Boosaaso oo la gubay, gubitaankaas oo loo maleynayo inuu ka dhashay qarax lagu weeraray shirkadda Fadhisame, inkastoo weli aan la xaqiijin.

Taliyaha qeybta booliiska gobolka Bari, gaashaanle sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir, ayaa sheegay in kooxaha argigixisada oo uu ula jeedo Shabaab iyo Daacish, inay ka dambeeyaan gubitaanka xarunta ganacsi ee Fadhisame.

Taliyuhu wuxuu sheegay ujeeddada laga leeyahay in ay tahay, si loo gumaado dhaqaalaha bulshada magaalada Boosaaso, oo ah isha dhaqaalaha Puntland.

Taliyuhu wuxuu sheegay inay wadaan baaritaano lagu dabo joogo ciddii falkaas ka dambeeyay. Waxaa kale oo uu sheegay inay qaadayaan howlgallo amni oo looga jawaabayo dhacdooyinka lidiga ku ah amniga.

Dhowr bilood ka hor ayay ahayd markii la gubay xaruntii ganacsi ee Almacruuf, kaddib markii lagu weeraray qarax. Weli maamulka Puntland ciddi uma soo qaban falkaaas.

Hay’adda amniga ee maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Shabaab iyo Daacish inay ka dambeeyaan falalkan, si ay u cabsi galiyaan ganacsatada, ugana qaadaan lacago ah baad ah.

Qaar kamid ah xarumaha ganacsiga ayaa waxaa lasoo gudboonaaday cabsi ku aadan arrimahan.