7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 12, 2023
Garaad Jaamac: Dowladda Soomaaliya waxay si aan qarsoonayn Somaliland ugu taageeraysaa duqeymaha lagu garaacayo shacabka Laaacaanood
 

Arbaco, Luulyo, 12, 2024 (HOL) - Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah garaadada SSC- Khaatuma, ayaa ku eedeeyay dowladda federalka Soomaaliya inay Somaliland ku taageerayso duqaymaha ay ka waddo magaalada Laascaanood.

" Waxaan ognahay xukuumadda maanta jirta ee Soomaaliya inay iyadu garab ku siinayso Somaliland duqeymaha ay ka geysanayso Laascaanood. Waxaan ognahay inay hortaagan tahay in caalamku cunaqabatayn kusoo rogo Somaliland, " ayuu yiri Garaad Jaamac.

Garaad Jaamac wuxuu sheegay inaanu jirin wax wada hadal ah oo socda. Wuxuu kaloo sheegay sida ay xukuumadda Soomaaliya wax ku waddo in aanay ku imaanayn heshiis iyo nabad.

"Baarlamaanka Soomaaliya waa inuu si mugleh mooshin uga keenaa arrintaas. Mooshino kaloo bilaa macno leh waan arkayay. Tan dhabta ah ee ilaaheey kula xisaabtamayo, waa shacabka Soomaaliyeed ee la dulminayo oo xukuumaddii jirtay ay qeyb ka tahay dulmigooda," ayuu yiri Garaadku.

Garaadku wuxuuu sheegay madaxweynaha iyo raysal wasaaraha inay ka shaqeynayaan kala taga midnimada Soomaaliya. Wuxuu sheegay inay dowladda Soomaaliya si aan qarsoonayn inay uga shaqeynayso daboolidda dambiyada dagaal ee ay somaliland ka geysatay gobolka Sool.