7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 12, 2023
Wararkii ugu dambeeyay kulan gaar ah oo Muqdisho ku dhexmaray madaxdii hore ee dalka

Arbaco, Luulyo, 12, 2024 (HOL) - Waxaa Xalay kulan gaar ah ku yeeshay hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed xubno ay ka mid yihiin Raysal wasaarayaashii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre, Cumar C/rashiid, C/weli Gaas, Xildhibaan C/qaadir Cosoble, Wasiirkii hore Waxbarashada Dr. Cabdinuur Shiikh Maxamed iyo raysal wasaare ku xigeen hore Ridwan Xirsi Maxamed.

Masuuliyiintaan ayaa kulankooda kaga arinsaday ajandayaasha shir lagu wado saacadaha soo socda ee Maanta iney Muqdisho kulan qaataan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku casuumay Shir wadatashi ah.

"Waxaa caawa isugu nimid kulan wadatashi ah oo looga arrinsanaayo shirka berrito ka dhici doona magaalada Muqdisho. Waxaan u mahadcelineynaa Madaxweynaha DFS Mudane Hassan Sheikh Mohamud oo gogosha fidiyey.Waxaan rajeyneneenaa  in kulanku uu noqdo mid miradhal ah" ayuu yiri Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Shirka oo la filayo inuu goordhaw oo Maanta ah uu si toos ah u furmo ayaa labada dhinac waxay kaga wada hadli doonaan go’aanadii bishii May ay soo saareen madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo ku saabsana hannaanka doorashooyinka dalka.

Masuuliyiintaan ayaa horay uga soo horjeestay heshiiskii ay wada gaareen madaxda Golaha  Wadatashiga Qaran, taasi ayaana ah sababta keentay in madaxweyne Xasan Sheekh uu isugu yeero madaxdaan kulan wadatashi ah.

Shirkaan Maanta furmaya ayaa madaxda lagu casuumay waxaa ka mid ahaa madaxweynahii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, hayeshee uu afhayeenkiisu shaaciyay inuu ka cudur daartay Farmaajo kasoo qeybgalka shirka maanta ka furnaya Muqdisho.

Dadka Soomaaliyeed ayaa si weyn il gaar ah ugu haaya shirkaan maanta ka furmaya Muqdisho ee dhexmaraya madaxweyne Xasan sheekh iyo xubno ka mid ah madaxdii hore ee dalka, kaasoo ay ka sugayaan natiijo wanaagsan.