7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 11, 2023
Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta kulan gaar ah ku yeeshay Muqdisho

Talaado, Luulyo, 11, 2024 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa maanta kulan la qaatay guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo guddoomiye ku xigeenada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada Baarlamaanka ee Villa Hargeysa, kaasoo looga hadlay dardargalinta howlaha baaxada leh ee sida wadajirka ah u horyaala labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Xafiiska guddoonka Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in guddoonka labada aqal ay ku balameen in dib isugu soo laaban doonaan kulan kale oo muhiim u ah dardargalinta shaqada labada Aqal ee Baarlamaanka dalka.

Si kastaba ha ahaatee kulankaan ay maanta yeesheen guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa kusoo beegmaya, iyadoo kulankii ugu dambeeyay ee golaha shacabka ay yeesheen Sabtigii lasoo dhaafay uu kusoo dhamaaday buuq iyo fowdo.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in kulan kale oo qorshahu ahaa inuu qabsoomo Shalay oo Isniin aheyd inuu baaqday, iyadoo aanan la shaacin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa baaqashada kulankaas.