7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 11, 2023
Erdogan oo aqbalay xubinimada Sweden ee NATO, Turkiga oo helaya diyaaradaha Mareykanka ee F-16

Talaado, Luulyo, 11, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa ogoladay in baarlamaanka dalkiisa uu u gudbin doono xubinimada Sweden ee NATO, isaga oo sheegay inuu ka shaqayn doono, in golaha baarlamaanku meelmariyo codsigaas.

Xoghayaha NATO ayaa Isniintii sheegay in Erdogan uu ogolaaday inuu "sida ugu dhakhsaha badan" arrintaasi loo dar-dargeliyo, ka dib kulan uu la qaatay madaxweyne Erdogan iyo Ra'iisal Wasaaraha Sweden, ka hor kulanka isbahaysiga NATO uu ku yeelanayo Lithuania.

Dalka Turkiga ayaa tan iyo sannadkii hore hortaagnaa xubinimada Sweden ee NATO.

"Tani waa maalin taariikhi ah, sababtoo ah waxaa helnay ballan-qaadka Turkiga ee ah, inuu ka shaqeeyo ansixinta xubinimada Sweden ee NATO, isaga oo sheegay inuu ka shaqaynayo sidii golaha baarlamaanku u ansixin lahaa arrintan" ayuu yidhi Stoltenberg.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Sweden Ulf Kristersson ayaa dhankiisa sheegay in uu “aad ugu faraxsan yihiin arrintan’ isaga oo sii raaciyey in Sweden ay u tahay maanta ‘maalin qiimo leh’ .

Go'aankan lama filaanka ah ee uu ku dhawaaqay xoghayaha NATO ayaa jidka u xaadhaya in Sweden ay noqoto dalka 32aad ee ku biira isbahaysiga NATO.

Lataliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka Jake Sullivan, ayaa Talaadadii sheegay in Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu dhaqaajin doono wada-hadallada ku saabsan in Turkiga laga iibiyo diyaaradaha Mareykanka ee F-16, uuna la tashanayo Congress-ka,

Sullivan oo ka hadlayay shir madaxeedka madaxda NATO oo galinka dambe ee maanta ka furmay caasimadda Lithuania ee Vilnius, ayaa sheegay in madaxweyne Joe Biden "uu caddeeyey inuu taageersan yahay wareejinta diyaaradahaasi".

Turkiga, ayaa codsaday bishii Oktoobar 2021 inuu $ 20 bilyan uu dalka Mareykanka kaga iibsan doono qalab casri ah oo ay kamid yihiin diyaaradaha F-16 , balse Washington ayaa dalabkaasi hakisay si ay ugu jawaabto diidmada Erdogan ee ah in Sweden aysan kusoo biirin NATO.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]