7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 11, 2023
Hay'adda duulista rayidka Soomaaliyeed oo warbixin horudhac ah kasoo saartay diyaarad shil ku gashay Muqdisho
 

Talaado, Luulyo, 11, 2024 (HOL) - Hay'adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa sheegtay sababta ka dambeysay shil diyaaradeed oo Muqdisho ka dhacay, oo geystay dhaawaca labo qof oo kamid ahaa rakaabka diyaaradaas.

Warbixin horudhac ah oo kasoo baxday hay'adda duulista ayaa lagu sheegay in diyaaraddu ay ka baxday dhabbaha ay ku degto, taasoo ahayd sababta ay shilka u gashay.

Hay'addu waxay sheegtay in diyaaradani ay u kiraysnayd shirkadda HALA Airline. Waxayna intaas ku dartay inay kasoo duushay madaarka Garowe oo ay saarnaayeen 34 rakaab ah iyo 4 shaqaale ah.

Hay'adda waxay sheegtay inay socdaan baaritaan ku aadan sababta diyaaraddu uga baxday dhabbaha ay ku duusho, waxayna sheegtay inay kasoo saaridoonto warbixin rasmi ah.