7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 11, 2023
Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada oo ka hadashay diyaarad shil ku gashay garoonka Aadan Cadde

Talaado, Luulyo, 11, 2024 (HOL) - Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuuumadda Soomaaliya, Fardowso Ibraahim Cigaal ayaa sheegtay in labo qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen diyaarad shil ku gashay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka gaadiidka waxay sheegtay, diyaaraddan oo kasoo duushay magaalada Garowe in ay saarnaayeen 30 rakaab ah iyo afar shaqaale ah. Waxay sheegtay in aanay jrin wax dhimasho ah.

Wasiirku waxay beenisay inay diyaaradda saarnaayeen raysal wasaarayaashii hore, Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Waxay sheegtay in uu socdo baaritaan lagu ogaanayo waxa sababay shilka diyaaradda.