7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 11, 2023
Musharax Cirro: Koomiishanka shalay waxa lagu yidhi waajibkiina guta

Talaado, Luulyo, 11, 2024 (HOL) - Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Waddani ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in anay aqbali doonin sharci daro.

Cirro waxa uu sheegay in maxkamadu amartay in lagu dhawaaqo wakhtiga doorashada, isla markaana loo baahanyahay in guddida doorashooyinku anay ka leexan waajibkooda.

"Doorashadii way dhowdahay, koomiishankana shalay waxa lagu yidhi waajibkiina guta, maxkamadu way amartay, koomiishankana waxaanu leenahay hadii ay mar idinka xumaatay mar labaad yayna idinka xumaan" ayuu yidhi Cirro.

Cirro dhanka kale, waxa uu sheegay in ka xisbi ahaan anay aqbali doonin talaabo kasta oo sharci daro ah "Waxaanu cid walba u sheegaynaa, wax sharci daro ah yeelimayno, doorashadii aynu u diyaar garowno".

Guddida doorashooyinka ayaa dhawaan la filayaa in ay ku dhawaaqdo wakhtiga rasmiga ah ee doorashooyinka iyo doorashada soo horaynaysa.