7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 11, 2023
Guddida Doorashooyinka Somaliland oo sheegay in ay dhawaan ku dhawaaqayaan wakhtiga doorashada
 

Talaado, Luulyo, 11, 2024 (HOL) - Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in ay ku dhawaaqi doonaan jadwalka doorashooyinka dib marka ay la tashiyo sameeyaan.

Guddida oo saaka kulan wadatashi ah la yeeshay Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in ay ku dhawaaqi doonaan jadwalka doorashooyinka, waxayna sheegeen in ay soo dhawaynayaan jawaabtii maxkamada sare.

"Guddida doorashadu iyada ayaa leh go'aanka aanu kusoo saarayno jadwalka doorashada, waananu soo saarayna, warqada maxkamadan waanu so dhawaynaynaa, shaqo naga dhaxaysay maxkamada oo caadi ah ayay ahayd, jadwalka waanu soo saarayna" guddoomiyaha guddida ayaa sida yidhi.

Guddidu waaxa ay sheegeen in ay xaq u leeyihiin in ay la tashi la sameeyaan cida y rabaan, isla markaana kahor inta anay ku dhawaaqin wakhtiga doorashada, ay la tashan doonaan xisbiyada, ururada siyaasada iyo ururada bulshada.

Somaliland waxa uu khilaaf ka taaganyahay sida ay usoo kala horaynayaan doorashooyinka madaxtooyada iyo ururadu, waana sababta keentay in guddidu ay la tashiyo badan sameeyaan inta aan lagu dhawaaqin wakhtiga doorashada.